Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa garab istaagtay dadka ku dhaqan tuulada Siigaale oo u dhow degmada Jannaale, kuwaasoo dhawaan duqeyn ba’an kala kulmay ciidanka Uganda ee heysta Jannaale.
Askarta Uganda ayaa Hoobiya kasoo tuuray fariisimayaashooda Jannaale, waxaana ay ku dhaceen dad, xoolo iyo guryo. Duqeynta ayaa sababtay dhimashada 5 qof oo haween iyo caruur isugu jira, sadax kamid ah waxay ahaayeen hooyo iyo labadeeda gabdhood oo uu Hoobiyuhu gurigooda kula soo dhacay.
Wafdi uu hor kacayo Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose SH/C/samad (Abuu C/raxmaan) ayaa gaaray tuulada si ay tacsida iyo dhibka ula qeybsadaan bulsahda, waaliga ayaa lugihiisa ku tagay guryaha ay madaafiicdu ku dhaceen isagoo la kulmay ehelada dadkoodu ku dhinteen duqeymahan.
Ugu dambeyntii waxaa lasoo tira koobay dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay duqeynta ciidanka shisheeye ee Uganda, waxaana la siiyay lacago ay ku daweystaan dadka dhaawaca ah oo intooda badan loo qaaday Muqdisho iyo lacag ay ku dayac tirtaan guryaha.
Waaliga ayaa dadkan u sheegay in shisheeyuhu aysan kala jecleyn dadka Soomaaliyeed, hadafkooduna yahay iney dilaan qof walba oo ashahaata, sidaa darteed wuxuu kula taliyay iney fadhiga ka kacaan oo shisheeyaha dhoofka ku yimid iska dhiciyaan.
Dadka degaanka ayaa waxay bogaadiyeen booqashada iyo gurmadka, waxay sheegeen in dhaqaalahan lasoo gaarsiiyay xilli ay u baahnaayeen oo ay isugu darmeen abaaraha iyo duqeymaha ciidamada Uganda.