HomeAll newsSarkaal Katirsan DF Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Weerar Ka Dhacay Dhulka...

Sarkaal Katirsan DF Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Weerar Ka Dhacay Dhulka NFD

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu iqtiyaalay sarkaal katirsan ciidamada dowladda Federalka.

Howlgal-kaan oo ka dhacay agagaarka hotel Lafweyn ee degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayay rag hubeysan oo katirsan dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku dileen Axmed Nuur oo ahaa sarkaal 2 xidigle ah, iyagoona horay uga sii qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.

Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay galintii danbe waxay weerar culus ku ekeeyeen saldhig ay ciidamada Kenyaatiga ah ku leeyihiin deegaan katirsan gobalka Wajeer ee dhulka NFD ay xoogga ku heysato dowladda Kenya.

Weerarka oo ahaa mid xooggan islamarkaana daryanka hubka culus iyo hugunka madaafiicda laga maqlayay goobo ka baxsan halka lagu dagaallamay ayaa si gaar ah waxay Mujaahidiintu ula beegsadeen saldhig ay ciidanka Keyna ka sameesteen deegaanka Weel Caday oo hoostaga degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaye kala duwan oo soo gaaray askartii ku sugneyd saldhiga weerarka martiyay, balse wax faahfaahin ah wali kama aan helin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular