HomeAll newsRuushka Oo Duqeymo Khasaaro Sababay Ka Geesray Magaalada Kyiv

Ruushka Oo Duqeymo Khasaaro Sababay Ka Geesray Magaalada Kyiv

Xili duullanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine uu galay maalintiisii 26-aad ayay ciidamada Moscow waxay wadaan duqeymo xiriir ah aan kala joogsi laheyn oo ay ku garaacayaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Ciidamada Ruushka ayaa xalay duqeymo culus waxay la beegsadeen xarun ganacsi oo ku taalla waqooyi-galbeed ee magaalada Kyiv waxaana ka dhashay khasaare isugu jira naf iyo maadi intaba.

Sida ay sheegeen saxafiyiin katirsan wakaaladda wararka ee AFP qarax weyn ayaa gilgilay magaalada, waxaana dab xooggan uu ka kacay dhismaha xarunta ganacsi ee la beegsaday.

Duqa magaalada Kyiv ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 4 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen gantaallo culus oo ay ciidamada Ruushka ku garaaceen xarunta ganacsiga ee Retroville, asigoona intaas ku daray in burbur xoogg leh uu soo gaaray dhismaha xarunta.

Sdoo kale waxaa maanta inta badan magaalada Kyiv laga dhawaqayay dhawaca digniinaha xili laga cabsi qabo duqeymo hor leh ee uu Ruushku halkaas ka geesto, iyadoona maamulka magaalada uu dadka ugu baaqay inay ku jiraan godadka dhulka hoostoodata ah oo aysan magaalada usoo bixin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular