HomeAll newsQaraxyo Lagu Laayay Xubno katirsan Xuuthiyiinta Oo ka Dhacay Caasimadda Yemen

Qaraxyo Lagu Laayay Xubno katirsan Xuuthiyiinta Oo ka Dhacay Caasimadda Yemen

Labo qarax oo culus ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yeman waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 30 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Sida wararku ay tilmaamayaan qaraxa 1aad ayaa ka dhacay afaafka hore ee hotelka Al-Shadharwan oo ku yaalla waddada 22-ka May ee bartamaha Sanca, halka midka labaadna uu giligilay gudaha saldhig ciidan oo ku yaalla isla aagaas, waxaana ku sugnaa goobahaan la weeraray saraakiil iyo ciidan ka tirsan maleeshiyaadka kooxada Xuuthiyiinta.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya ilo wareedyo maxalli ah ayaa xaqiijiyay in in kabdan 10 xubnood ay ku dhinteen qaraxyada, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 kale, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in la filayo in dhimashadu ay kororto madaama dadka dhaawacmay ay qaarkood yihiin kuwo halis ah.

Sidoo kale goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyada kadib uu dab xooggan ka kacay dhismaha saldhigga iydoona la arkayay gawaarida Anbalaasta ah oo ku sii qulqulaysa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen taasoo muujinaysa baaxadda uu la egtahay khasaaraha soo gaaray kooxda Xuuthiyiinta.

Ilaa iyo haatan ma jirto qolo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaan sidoo kalena maleeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiyiinta faahfaahin kama bixin khasaaraha ku gaaray weerarkaan loo adeegsaday walxaha qarxa balse waxa ay xaqiijiyeen oo kaliyah in qaraxyo lagu weearar baro ay magaalada ku leeyihiin.

(driventheatre.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular