Degmada Buurhakabo oo qiyaastii 60KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa goor dhow ka dhacay qarax khasaare lagu gaarsiiyay askar katirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Sida aan wararka ku heleyno qaraxa oo ahaa mid culus islamarkaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Buurhakabo ayaa waxaa lala beegsaday goob ay isbaaro u taalay askarata maamulkaas oo ku taalla degmada waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah ciidankii ku sugnaa isbaarada qaraxa lala eegtay.
Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay qaraxa hal askari sidoo kale waxaa lagu dhaawac labo kale oo dhamaan ka wada tirsan ciidamada maamulka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.