Booliska Switzerland ayaa ku dhawaaqay maanta in afar qof meydkooda laga helay dhismo ku yaalla magaalada Montreux ee dhacda galbeedka dalka Switzerland, halka ruux shanaad oo qaba dhaawacyo halis ahna loo qaaday goobaha caafimaadka.
Wargeyska Blick ee ka soo baxa dalka Switzerland oo soo xiganaya sarkaal boolis ah oo diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in 4 ruux ay dhinteen qof shanaadna uu soo gaaray dhaawac halis ah kadib markii ay iska tuureen dabaqa toddobaad ee dhismo ku yaalla magaalada Montreux.
Sarkaalkaan u waramay wargeyska ayaa sidoo kale xusay inay socdaan baaritaanno, dibna laga shaacin doono xogo dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadaan.
Alexander Bessens, oo ah afhayeenka booliiska ee magaalada Montreux oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin wararka sheegaya in dadkaan ay iska soo tuureen dhismaha, balse uu xajiijinayo in meydadka 4-ta ruux iyo kan dhaawca ahba laga soo qaaday iyaga oo yaalla dhismaha hoostiisa.
Dowladda Switzerland ayaa sheegtay in dhamaan shanta ruux ay yihiin hal qoys oo u dhashay dalka Faransiska.
Magaalada Montreux oo ah halka uu falkaani ka dhacay ayaa ah magaalo caan ku ah dalxiiska iyo tumashada waxayna qiyaastii 90 km u jirta magaalada Geneva oo ah xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay ee Yurub.