Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta xaafad katirsan magaladaas ka kacay dab xooggan oo khasaare hantiyadeed geestay.
Dabka oo ka kacay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu baabi’iyey dhismahii guriga qabsaday sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday guriga.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka deegaanka oo gurmad xooggan bixiyay ay ku guuleesteen inay badbaadiyaan Caruur yaryar oo ku jirtay gudaha guri xiligii uu dabka ka kacayay islamarkaana ay u suuro gashay inay damiyaan dabka.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in uusan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaas kacay balse waxaa jira mid hantiyadeed oo uu geestay madaama uu gabi ahaanba baabi’iyay gurigii iyo agabkii ku jiray intaba.