Ciidamada gaarka ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta howlgallo qorshaysan waxay ka fuliyeen degmooyin katirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu beegsaday xubno kamid ah dowladda Federalka.
Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa tilmaamaya in rag hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ay xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ku dileen sarkaal saddex alifle ahaa oo ka tirsanaa ciidanka DF kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuur Cadow, iyagoona hotay ugu sii qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta howlgal gaar ah oo ay ku fuliyeen suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaano Cabdalle Shideeyaha waxey ku qaarijiyeen askari magaciisa lagu soo gaabiyay Aweys, kaasoo kamid ahaa ciidanka DF ee ka howlgala degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Howgalladaan qorshaysan ayaa qeyb ka ah silsilado camaliyaad ah oo ay ciidamada Al-Shabaab si joogta ah kaga fuliyaan guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo cabsi fara badan ku abuuray shisheeyaha kala jinsiyada duwan ee duulaanka ku jooga dalka iyo Soomaalida la shaqeysa.