HomeAll newsHowlgal Lagu Dilay Askari Katirsan DF Oo Ka Dhacay Ceelasha Biyaha.

Howlgal Lagu Dilay Askari Katirsan DF Oo Ka Dhacay Ceelasha Biyaha.

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas goordhaw uu ka dhacay howlgal qorshaysan oo lagu beegsaday mid kamid ah askarta dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Rag hubeysan oo katirsan ciidamada gaar ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxay ka fuliyeen weerar ay ku toogteen askari katirsanaa ciidanka DF oo halkaas ku sugnaa.

Sida aan xogta ku helnay askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq, iyadoo raggii dilka geestay si xasilooni ku dheehantahay ay goobta uga tageen.

Mahan markii ugu horeysay ee deegaanka Ceelasha Biyaha uu ka dhaco howlgal lagu beegsaday xubin katirsan dowladda, balse marar badan ay Mujaahidiinta Al-Shabaab deegaankaan waxay ka fuliyeen weeraro kala duwan oo lagu qaarijiyay saraakiil iyo askar katirsan DF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular