Tafaasiil dheeraad ayaa kasoo baxaysa weerar cag marin ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aroornimadii hore ee maanta ku qaadeen fariisin ay askarta Maamulka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose.
Dagaalkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay fariisinka askarta Jubbaland ee deegaanka Siingaleer ee dhaca duleedka Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay 4 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland, halka lagu dhaawacay 6 kale, iyadoona lagu bur buriyay gaari Cabdi Bile ah.
Askarta la dhaawacay waxaa ku jiray sarkaal taliye Unug ah oo lagu magacaabo Saciid Carab, kuwaas oo kamid ahaa askartii marti galisay weerarka.