Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee maanta xoogga ku galay xerada Xalane ayaa waxaa wali halkaa ka dagaalamaya iyadoo ciidamada shisheeye ay ku guul darreysteen iney dib ula wareegaan xerada.
DF ayaa sheegtay in ay soo afjareen weerarka laakin ma jiraan wax caddeyn ah oo ay keentay, dadka ka agdhow xerada Xalane waxay sheegayaan iney maqlayaan dhawaqa rasaasta.
Iyadoo uu xaalku sidaa yahay ayaa waxaa xerada Xalane lagu qaaday weeraro madaafiic ah, sida aan xogta ku helnay guutada Madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa duqeysay xerada tan oo culeys kusii kordhisay ciidamada shisheeye.
Waxaa si horudhac ah loo xaqiijinayaa iney jiraan saraakiil caddaan iyo kuwa Afrikaan ah oo weerarka lagu dilay, halka ay ku dhaawacmeen xubno ka tirsan DF, waxaana kamid ah taliye kuxigeenka Boliska DF.
Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan wuxuu xaqiijiyay in ay weerarka ku dhinteen 6 ruux oo uu sheegay iney kamid yihiin tababarayaal caawinayay DF, wararku waxay sheegayaan in khasaaraha ka dhashay weerarka uu yahay mid aad u ballaaran.
Taliska ciidanka XSHM ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan faahfaahinta weerarkan.