HomeAll newsFaahfaahin: Askar Katirsan AMISOM Oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Muqdisho

Faahfaahin: Askar Katirsan AMISOM Oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa lasoo baxaya khasaare ka dhashay weerar culus oo xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ah ku leeyihiin degmo katirsan gobalka Banaadir.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay habeenkii xalay dagaal fol-ka-fol ah ay ku ekeeyeen xerada Maslax ee ku taalla duleedka xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa gobalka Banaadir.

Ciidamada Afrikaanta ah ee ku sugan xerada islamarkaana marti galiyay weerarka ayaa lagu soo waramayaa in la gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay 4 askari oo katirsan ciidanka AMISOM ee ku sugnaa xerada, halka lagu dhaawacay 7 kale.

Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa magaalada Muqdisho waxay ka wadaan howlgallo dardar leh oo lagu beegsanayo askarta shisheeye ee duullanka ku jooga dalka iyo kuwa dowladda Federalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular