HomeAll newsDhalinyaro Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa laba wiil oo Soomaali ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu kala dilay deegaano hoostaga magaalooyinka Cape Town iyo Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi oo kamid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ugu caansan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si bareer ah habeenkii xalay halkaas ugu dilay koox burcad Koonfur Afrikaan ah, kuwaasoo sida la sheegay damacsanaa inay dhac u geystaan goobohooda ganacsi.

Sida aan wararka ku heleyno burcadii ka danbeysay dilalka ayaa isaga baxsatay goobaha ay falalkaas ka geesteen, waxaana goor danbe soo gaaray ciidamo katirsan Booliska dalka Koonfur Afrika, iyagoo sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan burcada, balse ma jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayey dilalka iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular