HomeAll newsDEGDEG: Xildhibaanad Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Baladweyne.

DEGDEG: Xildhibaanad Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Baladweyne.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Baladweyne lagu dilay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaanada oo lagu magacaabi jiray Aamina Maxamad Cabdi ayaa waxaa la xaqiijinayaa in ay kamid tahay dadka islamarkiiba geeriyooday, waxaa la xaqiijiyay in xubno kale ay ku dhinteen.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa caawa aad u kacsan, waxaana weerarkan qaraxa ah uu kuso aadayaa iyadoo muddo aan sidaa usii fogeyn qarax lala beegsaday xubno joogay meel isku imaatin ah oo ka arrinsanayay doorashada xildhibaannimada.

Xildhibaanada caawa geeriyootay ayaa kamid ahayd xildhibaanada sida aadka uga dhex muuqday Baarlamaanka Federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular