HomeAll newsDagaal ay ku hoobteen Ciidamada uu Tababaray Turkiga oo ka dhacay Mubaarak.

Dagaal ay ku hoobteen Ciidamada uu Tababaray Turkiga oo ka dhacay Mubaarak.

 

Waxaa gobolka Shabeellaha Hoose kusoo idlaaday dagaal culus oo dhexmaray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askar katirsan kuwa Dowladda federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gorgor ee uu tababaray Turkiga.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Dowladda federaalka isku dayeen iney dhaq-dhaqaaqyo ciidan sameeyaan islamarkaana soo gaaraan deegaanka Mubaarak ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka hortagay dhaq-dhaqaaqyda ciidamada Dowladda federaalka, waxaana la gaarsiiyay ciidamada duulaanka ahaa khasaare culus oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 11 askari  ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka, halka sidoo kale ay dhaawacmeen labo sarkaal oo kamid ahaa saraakiisha hogaamineysay ciidamada Dowladda federaalka.

Saanado hub ah iyo qalabyo milliteri ayay ka firxadeen ciidamada Dowladda federaalka, kuwaasoo u gacan galay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale xusid mudan in meydadka qaar katirsan ciidamada Dowladda federaalka looga tagay goobihii lagu dagaallamay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular