Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maanta rag hubeysan oo katirsan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku dileen askari kamid ahaa ciidanka DF gaar ahaan kuwa ay soo tababartay dowladda Turkiga.
Howlgalka lagu qaarijiyay askarigaan oo lagu magacaabi jiray Farxaan ayaa ka dhacay isgoyska Balaaksii ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Sidoo kale ciidamada militariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar dhabba-gal ah u dhigay askar katirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.
Askarta ku dhacday kamiinka ay Mujaahidiinta u dhigeen ayaa waxay ka soo baxeen deegaanka Daynuunaay iyagoona ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, waxaana jira khasaare soo gaaray askartii la kulmay weerarka kamiinka ah.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa weerar dhabba-gal ah la beegsaday askar katirsan kuwa maamulka Jubbaland oo dhaqdhaqaaq ka wadey agagaarka deegaanka Cabdi Dhoorre ee duleedka magaalada kismaayo, waxaana lagu qasbay inay dib ugu laabtaan magaalada Kismaayo oo kolkii hore ay kasoo baxeen.