Wararka naga soo gaaraya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalka Nugaal uu ka dhacay shil geestay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar ka tirsan ilaalada madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni.
Shilka oo ahaa mid gaari ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari kamid ah kolonyo gawaari ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah madaxweyne Dani xili ay marayeen inta u dhexeysa degmada Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal waxaa shilkaan ku dhintay 4 askari oo katirsan ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loo qaaday sida la sheegay isbitaal ku yaalla magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal.
Dhawaan ayay aheyd markii qarax xooggan lala beegsaday ciidamo katirsan ilaalada madaxweynaha Puntland kaasoo ka dhacay magaalada Boosaaso xili uu Dani halkaas gaaray iyadoona ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii galbinaysay.