Ciidamada militariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabba-gal waxay maanta la beegsadeen kolonyo katirsan ciidanka maamulka Koonfur-Galbeed oo ku socdaaleysay inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Daynuunaay ee gobalka Bay.
Kolonyadaan oo kasoo baxay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday deegaanka Daynuunaay ayaa waxaa weerar jid gal ah u dhigay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaana jira khasaare soo gaaray qaar kamid ah askartii ku dhacday kamiinka.
Wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno khasaaraha uu geestay weerarka ayaa sheegaya in hal askari oo katirsan ciidanka maamulka Koonfur-Galabeed uu ku dhaawacmay, kaasoo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Garabeey.
Dhanka kale ciidamo aad u hubeysan oo ka katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xooggan galabta ku qaaday fariisin ay askarta Jabuuti ku leeyihiin magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galguduud.
Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa khasaare lagu gaarsiiyay ciidankii ku sugnaa fariisinka la weeraray, balse faahfaahin dheeri ah kama aanan helin.