Waddanka Tansaaniya ee ku yaal bariga qaaradda Afrika ayaa waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii gaari xamuul ah oo ka soo ambabaxay dekedda magaalada Dar es Salaam kuna sii jeeday dalka Congo ay isku dhaceen gaari bas ah oo siday dad rakaab ah xili ay marayeen bariga dalka Tansaaniya.
Taliyaha booliska ee gobolka Morogoro ayaa sheegay in shilkaan uu si gaar ah kaga dhacay magaalada Melela Kibaoni oo 200 oo Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Dar-es-Salaam ee caasimadda dalka Tansaaniya.
War kasoo baxay madaxtooyada Tansaaniya ayaa lagu xaqiijiyay in ugu yaraan 22 qof ay ku dhinteen shilkaasi halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 38 ruux.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Tunduma ee koonfurta galbeed dalka Tansaaniya ay ku dhinteen 4 ruux.
(diazepam)