Wararka naga soo gaaraya dalka Maali ayaa waxay xaqiijinayaan in weerar xooggan lagu qaaday saldhig militari oo ay bartamaha dalkaas ku leeyihiin ciidamada militariga xukuumadda Boomaako.
Weerarka oo ahaa mid culus waxaa si gaar ah loola beegsaday saldhigga Mondoro ee ku yaalla bartamaha dalka Maali, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 60 askari oo ka tirsan ciidamada dalkaas.
Bayaan ka soo baxay taliska ciidamada Maali ayaa lagu sheegay in maalinnimadii Jimcihii lasoo dhaafay weerar culus oo lagu daahfuray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana uu xigay dagaal xoog ku gal ah lagu soo qaaday saldhig militari oo ay ciidankooda ku leeyihiin bartamaha dalka.
Warka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in 17 askari oo ka mid ah ciidankooda lagu dilay weerarka halka 33 kalena lagu dhaawac oo 21 ka mid ah ay yihiin kuwo halis ah, iydoona intaas lagu daray 7 askari wali la’ layahay kuwaasoo loo badanayo in ay ku dhaceen gacanta raggii weerarka soo qaaday waxaana la xaqiijiyay in uu jiro khasaare maaliyadeed oo baaxad leh.
Madaxtooyada dalka Maali oo dhankeeda ka hadashay weerarka ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo ay ugu yeertay baroor diiq qaran oo loo samaynayo askarii lagu laayay weerarka.
Ma jirto cidd si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda balse Jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin ee hoostaga Al-qaacidah faraca dhulka Magribil Islaam oo ka jihaaddda dalalka dhaca Saxaraha iyo Saaxilka Afrika ayaa marar badan fulisay weeraro nuucaan oo kale ay oo lagu dhiig bixiyay shisheeyaha ku soo duulayay dalalkaas iyo la jirayaashooda gaar ahaan waddanka Maali.