Wargeyska Washington Post ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo xaalad daryeel xumo ah oo heysata caruurta ku dhalata dalka Imaaraatka Carabta oo kamid ah wadamada Khaliijka.
Warbixintan waxaa ciwaan looga dhigay “ Kumanaan kamid ah caruurta Imaaraatka Carabta oo Dukumentiyo la’aan ah, sababo ku aadan deymaha dhalashada” waxaana ay soo bandhigeysaa warbixinta xaaladda adag ee ay ku noolyihiin caruur badan oo kunool Imaaraatka Carabta.
Sababta keeneysa in caruurtan aan la siinin shahaadada dhalashada ayaa ah iyadoo qoysaska lagu leeyahay lacago ay tahay in la siiyo isbitaallada dowladda, marka ay caruurtu dhashaan.
Warbixinta ayaa soo gudbineysa marqaati furka waalidiin ilmo ugu dhasheen dalka Imaaraatka Carabta, kuwaasoo caruurtooda oo labo ah ay la egyihiin 4 sano iyo 6 sano,illaa iyo haddana aan helin shahaadada dhalashada ee la siiyo caruurta.
Waxaa lagu leeyahay caruurtan 16 kun oo dollar, taasoo haddii ay bixiyaan ay xaq u helayaan iney helaan shahaadada dhalashada, hadiise aaney bixin waxay weynayaan xuquuqda aasaasiga ah ee ay helayaan caruruta kale ee heysata dhalashada.
Waxyaabaha daruuriga ah ee ay weynayaan caruurtan waxaa kamid ah in la daaweeyo haddii ay xanuunsadaan, iney aadaan safar haddii loo baahdo iney aadaan meel ka baxsan Imaaraatka Carabta.
Intaasi waxaa ka daran in caruurtan aaney aadi Karin madaarista waxbarashada, sida ay warbixintu tilmaameyso, waxaana dhamaan xuquuqdaas helaya canuga ay waalidiintiisu bixiyaan lacagta dowladda, marka uu dhasho.
“ Caruurteydu ma aadin iskuullada, mana heystaan baassbor, tanina waa mushkilad weyn, waxayna aad u doonayaan iney aadaan iskuulllada” ayay tiri hooyo la hadashey wargeyska Washington Post oo ku nool dalka Imaaraatka Carabta.
Inkastoo dalka Imaaraatka lagu tiriyo inuu yahay dal hodan ah, dadka ku noolna ay heystaan nolol wanaagsan, hadana waxay warbixintu sheegeysaa in caruurtu ay yihiin kuwa aan heysan barwaaqadaas ka jirta dalka.
Arinta la yaabka leh waxay tahay in isbitaallada aaney xitaa qaabilin hooyooyinka uurka leh, kuwaasoo aan heysanin waraaqaha iyo accountiyada bankiga ah ee suuragelin kara in hooyadu iska bixiso lacagaha isbitaalka.
Taasi waxay keentay in caruur badan ay ku dhashaan goobo aan munaasab ku ahayn in hooyadu ku umusho, ama qaarkood ay dhintaan kadib markii ay heli waayeen daryeel caafimaad.
Arimaha kale ee jira waxaa kamid ah in dalka Imaaraatka Carabta ay kusii badanayaan zinada iyo dhaqan xumada, taasoo ay ugu wacantahay dadka ka imaanyaa wadamada gaalada ee degay magaalooyinka Abuu Dubai iyo kuwa lamidka ah.