Wararka naga soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya ayaa sheegaya in deegaan hootaga magaaladaas lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee degan halkaasi.
Dilka oo ay geesteen kooxo burcad ah kuna hubeysnaa Bistoolado aya si gaar ah kaga dhacay xaafadda Pumwani ee deegaanka Kamukunji oo ka tirsan ismaamulka Nairobi ee dalkaasi Kenya.
Sida ay wararku sheegayaan falkaasi dilka ah ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay iyo kooxda burcadda ah oo doonaysay inay dhacaan, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday burcadii falka gaysatay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya oo goobta soo gaaray dilka kadib ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxda burcadda aheyd ee ka dambeeyay dilka.
Bilihii la soo dhaafay waxaa degaannada hoostaga magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kusoo batay falalka Amni darro oo ay geesanayaan burcad hubeysan.