Warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Liibiya ayaa sheegatay in Ra’iisul Wasaaraha Liibiya C/xamiid Dabiiba uu ka badbaaday weerar iqtiyaal ah oo lagu qaarijin rabay, kaasoo ka dhacay magaalada Tripoli ee caasimadda dalkaas.
Warbaahinta oo soo xiganeysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in gaariga Dabiiba lagu rasaaseeyay xili uu marayay bartamaha caasimadda Tripoli, balse uu ka badbaaday Ra’iisul wasaarahu weerar-kaas.
Xeer Ilaalinta guud ee dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay baaritaan ku aadan cidda ka danbeysa weerarka lagu beegsaday gaariga Ra’iisul Wasaaraha.
Isku daygaan lagu doonayay in lagu dilo Ra’iisul Wasaaraha Liibiya ayaa ku soo aadaysa xili uu khilaaf xooggan u dhaxeeyo madaxda dalkaas, kadib markii baarlamaanka Liibiya uu ku dhawaaqay in lasoo dhisi doono xukuumad cusub oo ku meel gaar ah, balse C/xamiid Dabiiba ayaa arintaas si cad u diidayay, asigoona sheegay in uusan ogalaanan doonin marxalad cusub oo ku meel gaar ah.