Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka kusoo waaberiistay qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda oo xiran iyo ciidamo farabadan oo katirsan Booliska DF oo lagu soo daadiyay Isgooysyada qaar, iyagoona saaka xiray Waddooyinka qaar ee muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Waxaa Saaka xiran inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ahi ay yihiin kuwo lugeeynaya, maaddaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas.
Waddooyin muhiim u ah isku socodka dadweynaha ee saaka xiran waxaa ka mid ah laga soo bilaabo Isgoyska Jubba ilaa Isgoyska Ceelgaabta iyo agagaarka Buundada koowaad ee degmada Xamar Jajab.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiran waddooyinkaas waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in maanta Iskuul Bulusiya lagu qabanayo doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada waqooyi.
Inta badan dadka reer muqdisho ayaa la kulmo dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, mana aha markii ugu horreysay ee dad weynuhu kusoo toosaan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo xiran.