HomeAll newsKu Dhawaad 30 Xubnood Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Camaliyad Ka...

Ku Dhawaad 30 Xubnood Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Camaliyad Ka Dhacday Muqdisho.

Barqanimadii maanta waxaa camaliyad xooggan oo Nafhurnimo ah agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo galbinayey ergada soo xuleysa xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka.

Illaa affar gaari oo ay saarnaayeen ergadaan ayaa waxaa camaliyad xooggan la beegsaday naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Kolonyada ergadaan ayaa waxaa galbinayay 3 gaari oo kuwa ciidanka ah, kuwaas oo ay saarnaayeen ciidamo bolis ah, sida ay tilmaamayso xoogta aan helnay.

“Howlgal qorsheysan oo uu fuliyey halyeey Istish-haadi ah ayaa maanta lala beegsaday kolonyo ka tirsan murtadiinta, waxaana bartilmaameedku ahaa xubnaha soo xulaya xildhibaanada dhawaaghiida” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in camaliyadda lagu dilay lix katirsan ergadii bartilmaameedku ahaa, iyo 5 kamid ah ciidamadii Booliska ee ilaalinayay, halka ay ku dhaawacmeen 13 kamid ah isla ergada, iyo 3 askari oo bolis ah.

Wadarta guud ee dhimashada ayaa ah 11 xubnood oo isugu jira ergooyinkii wax soo dooranayay iyo ciidamada boliska, halka dhaawacuna yahay 16 oo labada dhinac ah.

Waxaa xusid mudan in xilligii ergadaan la beegsanayay ay kasoo baxeen xerada Iskool-Bulisiyo halkaas oo ay kusoo dooranayeen xubno kamid noqonaya xildhibaanada Baarlamaanka soo socda.

Camaliyaddaan ayaa kusoo aadeysa xilli Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kordhisay weeraradeeda ka dhanka ah ergooyinka wax soo xula, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loo dilay 3 kamid ah ergadaas.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular