Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan oo isugu jira weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyeen magaalooyin iyo deegaanno ay ka arimiyaan dowladda Federalka iyo Maamul Gobaleedyada uu shisheeyuhu ka dhisay dalka Soomaaliya.
Goobaha ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerara-daan ka geesteen waxaa ka mid ah deegaanka Bariire, magaalada Beledweyne, degmada Xudur, deegaanka Baarka, magaalada Baydhabo iyo deegaanka Awdiinle oo dhamaan ka wada tirsan goballada Hiiraan, Sh/Hoose, Bay, Bakool iyo Jubbada Hoose.