Wararka naga soo gaaraya wadanka New Zealand ayaa waxay sheegayaan in saacad ka hor meel u dhow magaalada South Island ee dalkaas uu dhuftay Dhulgariir xooggan.
Sida ay sheegtay xarunta la socodka dhulgariiryada ee dowladda New Zealand cabirka dhugariirka ayaa lagu qiyaasay 5.6, islamarkaana xudintiisa hoose ay gaareyso 30 km.
Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in dhulgariirku uu ahaa mid culus iyadoona gariiskiisa laga dareemay dhul ka fog halka uu ka dhacay.
Wararka hor dhaca ah ayaa waxay tilmaamayaan in uu jiro khasaare isugu jira naf iyo maal intaba, balse faahfaahin dheeraad ah wali lagama helin xaddiga khasaaraha.
Dhulgariirkaan ku dhuftay New Zealand ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay daadad iyo dhulgariiryo ku dhuftay dalka Brazil ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya150 ruux, sidoo kalena tiro intaa ka badan lagu la’yahay.