Dab xooggan ayaa maanta ka kacay xerada ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaan ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe.
Wararka la helay ayaa sheegaya in dabka uu si gaar ah kaga kacay Xero ciidan oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Haanshiikh ee duleedka degmada Balcad waxaana ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray askarii ku sugneyd xerada gubatay
Dabka qabsaday xerada ayaa la sheegay inuu ka dhashay Koronto ku fiday Bakhaarro Hub ay ku keedsanyihiin oo yaallay xerada iyadoo dad ku sugan Balcad ay sheegeen inay maqlayeen qaraxyada rasaastii iyo hubkii yiilay bakhaarada.
Dadka qaar ee ku sugan degmada Balcad ayaa markii hore u qaatay in dagaal uu ka socda xerada ciidamada AMISOM, balse markii dambe la ogaaday in uu dab ka kacay Xerada, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 50 askari oo ka tirsan ciidanka Burundi ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Inta la xajiiyay waxaa ku dhintay dabka 27 askari oo Burundheys ah halka ay dhaawacyo kala duwan ay ku noqdeen 20 askari oo kale waxaana inta badan gubtay xeradii uu dabka ka kacay.