HomeAll newsCiidamada Yuhuudda Oo Dad Falastiiniyiin Ah Ku Dilay Magaalada Nabulis.

Ciidamada Yuhuudda Oo Dad Falastiiniyiin Ah Ku Dilay Magaalada Nabulis.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday in ciidanka Yahuudda ay 3 ruux oo Falastiiniyiin ah ku dileen bartmaha magaalada Nabulis, ee ku taalla woqooyiga Daanta Galbeed ee dhula Falastiin oo ay Yahuudda xoogga ku heysato.

Goob joogayaal ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan Maamulka Yahuudda oo watay gaari yar oo ah nuuca raaxada ay xoog ku galeen xaafadda Al-Makhfiyah ee magaalada Nabulis, waxayna rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad falastiiniyiin ah taas oo sababtay in ay dhintaan dhaman dadkii gaariga saarnaa.

Sida ay sheegtay warbaahinta seddexda ruux ee ladilay ayaa ka tirsanaa Ururka Alfatax oo uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas, waxaana lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Al-Nabulisi, Ad-ham Mabruuk, iyo Maxamed Al-Dakhiil

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha ee Maamulka Yahuudda ayaa sheegtay masuuliydda weerar-kaan iyagoo sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa gaar ah ay magaalada Nabulis ku dileen 3 falastiiniyiin ah.

Wuxuu intaas raaciyay in 3-da qof ee ladilay ay ahaayeen shabakad gaar ah oo mas’uul ka ah hawlgallo xiriir ah oo lagu beegsaday dadka Yuhuuda toddobaadyadii la soo dhaafay.

Muuqaal lagu faafiyay Baraha Bulshada kuwada xariirto, gaar ahaan twitter-ka ayaa muujinaya ciidanka Yahuudda oo si bareer ah rasaas ula dhacaya gaari ay wateen ragaan ladilay.

Ururka Alfarax ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka ka dhcay magaalada Nabulis isla markaana lagu dilaay 3 ruux ee la sheegay in Ururkaani ay ka tirsan yihiin.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular