HomeAll newsXuuthiyiinta Oo Gaashaanka Ku Dhiftay Inay Sii Daayaan Doontii Ay Leheed Imaaraatka

Xuuthiyiinta Oo Gaashaanka Ku Dhiftay Inay Sii Daayaan Doontii Ay Leheed Imaaraatka

Maanta oo sabti ahayd Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa ganafka ku dhiftay baaq kasoo yeeray golaha ammaanka Q.Midoobay, kaas oo ahaa inay sii daayaan doontii ay leheed dowladda Imaaraatka Carabta, oo horraantii bishaan ay gacanta ku dhegeen, iyagoona ku nuux nuuxsaday in doontu ay hub usiday isbahaysiga Carbeed.

3-dii Janaayo, Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta waxay gacanta ku dhigeen doonta “Rawabi” oo uu ka babanayay calanka Imaaraadka Carabta, taas oo ku sugneyd koonfurta badda cas, gaar ahaan meel u dhow magaalada Xudeydah ee dalka Yemen.

sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, Jimcihii lasoo dhaafay waxay golaha ammaanka ee Q.Midoobay soo saareen baaq wada jir ah, kaas oo ku aaddanaa in si deg deg ah lagu sii daayo doonta u gacan gashay Xuuthiyiinta iyo shaqaalaheeda.

Bayaanka oo ay diyaarisay dowladda Ingariiska ayaa cadaadis adag kala kulmaya Imaaraatka Carabta oo xubin aan joogta eheyn ka ah golaha ammaanka ee Q.Midoobay tan iyo horraantii Janaayo, Waxayna xukuumadda Abuu Dubai si weyn u cambaaraysay xariga lagula kacay doonta.

Isbahaysiga Millatari ee ay hor boodeyso dowladda Sucuudiga ee dalka Yeman ayaa xiriga doontaan ku tilmaamay inuu yahay howgal Burcad-Badeednimo ah, iyagoona carrabka ku adkeeyay in Imaaraatku uu siday qalab Caafimaad, halka Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ku doonayaan inuu siday agab Millatari.

Sida laga soo xigtay TV-ga Al-Masiirah oo ku hadla afka Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kooxda ninka lagu magacaabo Xuseen Al-Cizi ayaa sheegay in doonta laga leeyahay waddan ka qeyb qaadanaya gar darrada lagu hayo dadka Yeman, ayna ku sugan tahay xaalad dagaal, xeebaha dalkana kusoo gashay si sharci darro ah.

Sida uu ku doodayo Al-Cizi, doonta Rawabi ma aheyn mid siday Timir iyo alaabaha ay Caruurtu ku ciyaaraan, balse ay siday hub lagu taageerayo kooxo uu ku tilmaamay inay Argigixiso yihiin oo khatar ku ah nolosha aadanaha.

Bayaanka kasoo baxay golaha Ammaanka ayuu Xuseen Al-Cizi ku sheegay inuu yahay mid aan wax cilaaqaad ah la leheyn qawaaniinta caalamiga ah, Anshaxa iyo xittaa badqabka iyo ilaalinta maraakiibta, Wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dowrka golaha ammaanka uu noqday in la marin habaabiyo Ra’yul Caamka bulshada, iyo in la garab istaago gacan ku dhiiglayaasha iyo kuwa ku xad gudba qawaaniinta waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidanka badda waxay xaq u lahaayeen sharci ahaan inay beegsadaan doonta cadawga ee Rawabi, laakiin taas ma aysan dhicin ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa horraan farriin ay u gudbisay golaha ammaanka ee Q.Midoobay kaga codsatay in si deg deg ah lagu sii daayo doonta ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, taas oo ay sheegtay inay saarnaayeen 11 ruux oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Bishii November ee sannadkii 2019-ka ayay eheed markii Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay gacanta ku dhigeen gawaari kuwa xamuulka qaada ah oo ka yimid dhanka Sucuudiga, iyo doon laga leeyahay Kuuriyada Wuqooyi iyo shaqaale kale, kuwaas oo ku sugnaa Woqooyiga magaalada Al-Xudeydah, hasa yeeshee waqti dambe ay sii daayeen.

Dagaalka ka socda dalka Yeman oo bilawday tan iyo sannadkii 2015-ka una dhexeeya Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo garab ka helaya xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, iyo xukuumadda Yeman oo iyana garab ka heleysa Isbahaysiga Carbeed ayaa gallaaftay nolosha kumannaan ruux oo rayyid ah, waxaana Kooxdu ay ciidamada kala wareegtay Goballo dhaca woqooyiga iyo galbeedka waddankaas, sidoo kalana gacanta ku haysa caasimadda dalka Yeman ee Sancaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular