Ra’iisul Wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in lagu dilo xili uu ku sugnaa goob munaasabad ah.
Kooxo burcad ah ayaa ka dambeeyay isku dayga dilka ah sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laguna tibaaxay in kooxahaasi doonayeen iney nafta dhaafiyaan Henry.
Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu dili rabay goob Kaniisan ah oo uu kaga sugnaam magaalada Gonaives ee Waqooyiga dalkaas, xilli uu ka qeyb qaadanayay dabaaldegga 218 sano guurada kasoo wareegtay xuriyadda dalkiisa.
Marar badan ayaa waxaa dalkaasi lagu beegsaday madaxda sarsare, wuxuuna kamid yahay wadamada safka hore kaga jira weerarada noocan ah. Bishii July 2021 waxaa waxaa madaxtooyada wadanka lagu dhex dilay Madaxweyne Jovenel Moïse, September 2021, waxaa la shaaciyay xog sheegeysa in ra’iisulwasaaraha haatan ka badbaaday dilka uu ku lug lahaa dilka Madaxweynihii Haiti.
Hadda waxaa madaxda dalka heysata cabsi badan.