HomeAll newsRa'iisul Wasaarihii dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk Oo Is Casilay.

Ra’iisul Wasaarihii dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk Oo Is Casilay.

 

Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan ninka lagu magacaabo Cabdalla Xamduuk ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley xilkii uu ka hayay dalka Suudaan, kadib markii ay fashil kusoo dhamaadeen isku dayadii uu ku doonayay inuu ku xalliyo is qabqabsiga Siyaasadeed ee ka jira wadankaas.

Kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu Cabdalla Xamduuk ka jeediyay telefeshinka dalka Suudaan ayuu ku sheegay inuu go’aansaday inuu iska casilo xilka madaxtinimada ee dalka Suudaan, kadib markii uu ku fashilmey inuu xal ka gaaro muranka siyaasadeed ee ka dhexeeya golaha milliteriga iyo Siyaasiyiinta dimuqraadiga ah ee talada dalka qeyb looga dhiibay.

Wuxuu sheegay Cabadlla Xamdook inuu kulamo dhaadheer la yeeshey dhinacyada kala duwan ee isku haya Siyaasadda dalka Suudaan, sidaasoo ay tahayna aanu kulamadaas kasoo bixin natiijo lagu qanci karo oo ka badbaadin karta dalka Suudaan inuu fowdo lugaha lasii galo sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha ay soo hooysay xukuumadiisa, sida uu hadalka u dhigay Cabdalla Xamdook ayuu ku faanay inuu ku guuleystay in dalka Suudaan uu ka saaro liiska dowladaha taageera waxa loogu yeero argagaxisada, taasoo ka dhigan in Suudaan ay aqoonsatay maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta Filastiin, markaasoo laga saaray liiska ay horey ugu jirtey.

Tallaabada uu isku casiley Cabdalla Xamdook waxay imaaneysaa, xilli dhawaan ciidamada milliteriga Suudaan ay afgembi ku sameeyeen Xamdook iyo xukuumadiisa, walow markii dambe afgembigaas uu fashilmey, kadib markii dowladaha reer galbeedka ay is hortaageen saraakiisha milliteriga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular