Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa waxaa habeenkii xalay ku dhintay nin Injineer ahaa oo ka tirsanaa shirkad biyaha gelisa oo la yiraahdo Nuwaco.
Qisada geerida Injineerka ayaa waxay leedahay la yaab, waxay warbaahinta maxalliga ah sheegeysaa in isagoo ku xanuunsanayay isbitalka guud ee Garowe uu neefsiga ku ciriiryoobay deetana loo diiday Oxygen ama neefta.
Wuxuu u geeriyooday Oxygenta qiimaheeda yahay $40 oo kaliya taasoo ehelkiisa laga dalbaday iney bixiyaan, laakin maadaama ay saqdhexe ahayd ayaa waxaa dhacday in ehelku ay dalbadeen in Oxygen lagu sii xiro lacagtana ay subixii bixinayaan, hase ahaatee waa loo diiday halkii ayuuna ku dhintay Injineerkii.
Markii uu naf baxayay waxay eheladu ninkan ka duubeen Vedio- isagoo mar mar oranaya “Oxygen Oxygeen.…” warbaahinta baraha bulshada qaarkood ayaa falanqeynaya dhacdadan, maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay inuu baaritaan ku sameynayo arrintan iyo sida ay u dhacday.
Inta badan isbitaalada Soomaalida ayaa waxaa lagu eedeeyaa iney ku dhaqmaan nidaamyo aan la jaan qaadi karin wadan Soomaaliyoo kale ah, oo haddana muslim ah oo ay ahayd in la isku naxariisto, waxaana jirta in isbitaalo badan oo ku yaalla dalka ay dad badan ugu geeriyoodeen wax qabad la’aan iyo xirfad xumo.
Isitaalada qaar ee ku yaalla magaalooyinka waa weyn waxay gaareen heer ay dadka ka iibsadaan meydka iyagoo ku xujeynaya saacadaha uu isbitalka yaallay qofka dhintay.