Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa dagaal shalay ka dhacay degaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud ku waayay saraakiil muhiim u ahaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada Al-Shabaab.
Degaagna uu dagaalka culus ka dhacay oo qiyaastii 50km u jira Cadaado ayaa waxaa shalay galab lagu weeraray askarta Galmudug, waxaana ay ku waayeen saraakiil ay saacadihii lasoo dhaafay aad ugu barooranayeen.
Sida aan xogta ku helnay waxaa saraakiishaasi kamid ah taliyihii guutada 13aad ee Qeybta 21aad, gaashaanle dhexe Cali Maxamed Soocadde oo ku magacdheeraa (Cali Cagaweyne) iyo Taliyahii howlgelinta Qaybta 21aad, gaashaanle sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Gasaawe).
Wasiirkii Amniga ee Galmudug, Axmad Macalin Fiqi, ayaa sheegay in labada taliye ay ahaayeen kuwa halbowle iyo laf-dhabar u ahaa dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, gaar ahaan wilaayaadkeeda Galgaduud iyo Mudug.
“Saraakiishaas waxay ahaayeen kuwii saldhigga u ahaa dagaalada ka dhanka ah kooxda argagixisada” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal ku qabsadeen degaanka Cadokibir halkaasoo ugu yaraan ay ku dileen 5 askari, kuna dhaawacay 3 kale.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa habeenkii xalay laga dareemay iney soo gaareen firxadka ciidamadii Galmudug ee kasoo cararay goobta dagaalka ee degaanka Cadakibir.