HomeAll newsKuuriyada Woqooyi OO Ku Dhawaaqday Inay Tijaabisay Gantaallo Cusub

Kuuriyada Woqooyi OO Ku Dhawaaqday Inay Tijaabisay Gantaallo Cusub

Sida ay baahisay warbaahinta Kuuriyada Waqooyi maalinimadii jimcada aheyd waxay xukuumadda Pyongyang tijaabisay laba gantaal oo ah kuwa ridada gaaban, taas oo ka dhigaysa tijaabadii saddexaad tan iyo bilowgii sanadkan, xili uu Maraykanku cunaqabatayn cusub oo horleh saaray Kuuriyada Woqooyi.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabadaan la sameeyay looga gollahaa si loo xaqiijiyo loona qiimeeyo xakamaynta nidaamka shaqo ee taliska tareenada waddankaas.

Soo bandhigista tijaabadaan cusub ayaa timid ka dib go’aankii Washington ay soo saartay Arbacadii ee ahaa in cunaqabatayn dhaqaale oo cusub lagu soo rogo shan ka tirsan saraakiisha dowladda Kuuriyada Waqooyi, ka dib tijaabadii hore oo ay sameesay dowladda Kuuriya.

Hogaamiyayaasha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed oo dhankooda ka hadlay tijaabadaan cusub ayaa sheegay in ay labada gantaal ay u dhexeeyeen wax ka yar 15 daqiiqo, waxayna intaas ku dareen in labada gantaal ay jareen masaafo dhan 432 KM.

Tani waxay ahayd tijaabadii saddexaad ee hubka Kuuriyada Waqooyi bishan, ka dib laba tijaabo oo lagu guulaystay oo ah gantaallada hypersonic, sida laga soo xigtay Pyongyang, tijaabadii hore ayaa dhacday 5tii bishaani Janaayo halka tii labaadna la tijaabiyay 11-kii bishaan xili uu xarumaha hubka kormeeray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Ninka lagu magacaabo Kim Jong Un.

Mareykanka oo ka jawaabaya tilaabadaan ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogay Pyongyang, waxaana xoghayaha arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington Anthony Blinken uu sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay had iyo jeer isku daydo inay soo jiidato indhaha caalamka iyadoo tijaabanaysa gantaalladeeda.

Pyongyang waxa ay ku eedaysay Maraykanka in uu si ula kac ah usii hirinayo xiisadda. Wadahadallada u dhaxeeya Pyongyang iyo Washington ayaana wali hakad ku jira kadib markii uu fashilmay wadahadal u dhaxeeyay Kim iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump sannadkii 2019-kii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular