Wararka ka imanaanaya dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Itoobiya ay saaacadihii la soo dhaafay duqayn ka geysteen xero Qaxooti oo ku taalla Waqooyiga dalkaas gaar ahaan gobalka Tigray.
Xogtan ayaa waxaa sidoo kale aad u baahinaya shaqaalaha Qaramada Midoobay iyagoo sheegaya in 56 qof ay ku dhinteen duqayn dhanka cirka ah oo ay xukuumadda Abiy ka fulisay Wwaqooyi galbeed gobalka Tigray.
Waxay shaqaalaha QM, sheegeen in wax shaqo ah aysan hadda ka socon xerada qaxootiga oo ku taalla magaalada Dedebit ee waqooyi bari ee gobolka Tigray taasoo u dhow xudduudda uu gobolku la wadaago Ereteriya, waxaana shaqooyinkii xerada saameeyay duqeymaha.
Wakaaladda wararka ee Reutres ayaa baahiyay sawirro ay usoo direen shaqaalaha QM kuwaasoo muujinaya dadkii ku wax yeeloobay duqeymaha oo la geeyay isbital ayna kamid yihiin caruur yar yar.
Tigre ayaa duqeyntan ku tilmaamay mid cadawtooyo oo lala beegsaday dad rayid ah oo qowmiyadooda ka tirsan kuwaasoo inta laga barakiciyay degaanadoodii haddana looga daba tagay xeryihii ay qaxootiga ku ahaayeen.
Dhanka kale xukuumadda Abiy Axmed ayaanan illaa iyo hadda ka hadal duqeymahan. Warbaahinta reer galbeedka iyo hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa aad u buunbuuninaya duqeynta loo geystay dadka Tigrega ah waxaana la is weydiin karayaa sababta ay uga aamusaan duqeymaha tirada badan ee uu Mareykanku ka geysto Soomaaliya? (klonopin)