HomeAll newsGudoomyihii Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Geeriyooday.

Gudoomyihii Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Geeriyooday.

David Sassoli oo ahaa Gudmooyimihii baarlamaanka Midowga Yurub ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla waddanka Ingariiska halkaas oo maalmahaanba lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, sida uu xaqjiijiyay Afhayeen u hadlaay Gudoomiyaha dhintay.

David oo ku geeriyooday da’da 65 sano ayaa tan iyo dhammaadkii bishii Desember ee lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla waddanka Ingariiska sida uu sheegay afhyeenkiisa.

Isniintii, baarlamaanka Yurub wuxuu xaqiijiyay in Sassoli uu isbitaalka ku jiray muddo laba toddobaad ah, sababo la xiriira dhibaatooyin halis ah oo ka dhashay cillad ku timid habka difaaca jirka.

Ninkaan oo u dhashay waddanka Talyaaniga ayaa todbaadyadii lasoo dhaafay ku jiray isbitaal, kadib cudur kaga dhacay Sambabaha, Xanuunkaas ayaana ku qasbay inuu ka baaqdo furitaanka kalfadhiga guud ee Baarlamaanka, kaasoo qabsoomay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Sassoli ayaa waxa uu 30-kii bishii May sanadkii 1956-kii ku dhashay magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, waxa uuna baarlamaanka Midowga Yurub kasoo shaqeynayay muddo 10 sano ah, kadib markii uu ka wareegay Saxaafadda una wareegay dhanka Siyaasada.

Talaadada soo socota ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Yurub uu yeesho fadhi ay ku dooranayaan gudoomiye cusub oo bedeli doona kan hadda dhintay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular