Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar u muuqday mid aad loo soo qorsheeyay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho laguna beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil sarsare oo reer galbeed ah.
Camaliyadda ayaa waxay barqanimadii maanta ka dhacday agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo si toos ah u beegsatay saraakiil amni oo Reer Gabeed ah.
Sida aan xogta ku heleyno, waxay saraakiisha la beegsaday tiradoodu ahayd afar kuwaasoo xilliyadii lasoo dhaafay hawlo basaasnimo ah ka waday magaalada Muqdisho.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa xaqiijisay geerida 2 sarkaal oo Reer Galbeed ahaa, halka labada kale uu dhaawac aad u daran soo gaaray, waxaana meydadkii iyo dhaawacyadiiba isla maanta loo duuliyay wadanka Jabuuti.
Waxay ahaayeen saraakiil si gaar ah looga taxadarayay badqabkooda amni, ilaalintoodana waxaa ka masuul ahayd oo qandaraas ku qaadatay shirkad dhanka amniga ka shaqaysa oo ay leeyihiin saraakiil ka tirsan DF.
Sidoo kale waxaa weerarka nafhurnimada ah ku baxay 6 askari oo kamid ah kuwii ilaalada u ahaa iyadoo 3 kale ay dhaawacmeen.
Marka la eego khasaaraha maadiga ah, waxaa weerarka ku burburay 3 gaari oo uu midkood ahaa nooca aan xabbadu karin ah oo ay saarnaayeen saraakiisha reer galbeedka ah, gabi ahaanna qaraxa ayuu ku burburay sida laga dheehan karo sawirradiisa oo baraha Internetka lagu baahiyay isagoo gubtay.
Intaa waxaa dheer oo iyaguna cardaaduqaha noqday oo burburay 2 gaari oo ay saarnaayeen askartii ilaalada u ahayd saraakiishaasi reer galbeedka, waxaana weerarkan uu ka dhigan yahay dharbaaxo weyn oo gaartay shisheeyaha kusoo duulay dalka, sidoo kale dadka amniga ka faallooda ayaa qaarkood barahooda kusoo qoray in uu ka marqaati kacayo sida xeesha dheer ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ula socoto dhaqdhaqaaqyada shisheeyaha.