Jeffrey Feltman oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa la xaqiijiyay inuu banneynayo xafiiska inta lagu guda jiro bishan, waxaana kala wareegi doona David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga.
Warkan oo laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in Jeffrey uu muddo 9 bilood ah hayay xilka safiirnimo ee Geeska Afrika, waxaana sababta is casilaadiisa lagu sheegayaa culeysyo adag oo uu kala kulmay siyaasadda mandiqadda, gaar ahaan dagaalada xooggan ee ka socda gudaha Itoobiya.
Ergayga fashilmay ayaa Khamiistii u duulay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya si uu qeyb uga noqdo diblumaasiyiin Mareykan ah oo loo diray iney soo qiimeeyaan xaaladda soona xalliyaan colaadda ka dhex oogan dowladda Abiy iyo jabhadda TPLF.
Feltman, wuxuu si kooban uga waramay sababta is casilaadiisa, wuxuu sheegay in dareenkiisa uu u diiday inuu shaqada sii wado, waa oday 62 sano jir ah oo sida uu shaaciyay diblumaasiyadda ku jiray muddo 25 sano ah, haddana doonaya inuu noqdo nin hawlgab ah.
Dowladda Mareykanka illaa iyo hadda si cad dhankeeda ugama hadal shaqo ka talista ergaygeeda.