HomeAll newsDEGDEG: Taliye Cagaweyne oo Ku Dhintay Dagaalkii Cada Kibir.

DEGDEG: Taliye Cagaweyne oo Ku Dhintay Dagaalkii Cada Kibir.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal maanta ka dhacay degaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Galmudug.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa Galmudug looga dilay askar iyo saraakiil halka kuwa kale ay kaga dhaawacmeen, taliyaasha ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah taliyihii guutada 13-aad ee qeybta 21-aad ee askarta DF Cagawayne.

Cagaweyne ayaa u geeriyooday caawa dhaawac halis ah oo galabta kasoo gaaray dagaalka, waxaana geeridiisa xaqiijiyay taliska ciidanka DF iyo qaar kamid ah eheladiisa.

Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya tafaasiishana wey isi soo tareysaa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular