HomeAll newsDad Soomaali Ah oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koofur Afrika.

Dad Soomaali Ah oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koofur Afrika.

Wararka ka imaanaya wadanka Koofur Afrika ayaa waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxo dalkaasi u dhashay weerareen ganacsato Soomaali ah ayna dileen hal qof halka ay dhaawaceen mid kale.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable, kan la dhaawacayna waxaa la yiraahdaa Axmed C/llaahi Cali, sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Johannesburg.

Kooxaha Burcadda ah ayaa ganacsatada Soomaalida ah ku weeraray xaruntooda oo ku taalla deegaanka Soweto oo dhaca duleedka Magaalada Johannesburg, waxaana socda baaritaan la sheegay in lagu sameeynayo meydka qofka la dilay halka kan la dhaawacay la dhigay Isbital.

Dadku waxay sheegayaan in ragga weerarkan fuliyay ay ahaayeen 3 rag ah oo hubeysan kuwaasoo doonayay iney dhacaan dukaanka, ilo kalana waxay sheegayaan in dadka Soomaalida ah aan loo dilin dhac oo kaliya balse loo dilo isir nacayb maadaama ay yihiin Muslimiin kuna firfircoon yihiin ganacsiga.

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2021, waxaa dalka Koofur Afrika lagu dilay boqollaal Soomaali ah waxaana lagu dhacay lacago boqllaal kun oo doolar ah, weerarka hadda dhacayna wuxuu la kowsaday sannadka cusub ee miilaadiga ee 2022.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular