Nin oday ah ayaa la dilay ka dib markii ciidamada gumeysiga ay ku weerareen waqooyiga Ramallah oo ku taala bartamaha Daanta Galbeed ee la haysto.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday geerida Cumar Cabdil-Majiid oo (80 sano jir ahaa), oo ka yimid halka loo yaqaano Jaljilia, waqooyiga Ramallah.
Sida laga soo xigtay qoyskiisa, askartii goobta ku sugnayd ayaa joojiyey odaygan Muslimka ah, gacmaha ayay ka xireen kadibna aad ayay u garaaceen, taas oo keentay in wadnuhu istaago, ka dib waxa loo gudbiyey xarun caafimaad oo u dhow goobta isagoo meyd ah.
Ilo wareedyo falastiiniyiin ah ayaa sheegay in ciidamada gumeysiga ay Cumar Cabdilmajiid ku xireen tuulada Jaliiliya, garaacid kadibna ay goobta uga tageen isagoo xiran illaa markii dambe loo yimid isagoo meyd ah.
Fu’aad oo ah madaxa dowladda hoose ee tuulada Jaljilia oo la hadlay wakaaladda Anadolu ayaa sheegay in oday Asad oo ka mid ahaa dadka deegaanka uu u dhintay xarig iyo gacan ka hadal uu kala kulmay ciidamada gumeysiga ee Yahuuda ah, wuxuuna dhintay isagoo katiinadeysan.
Astaamaha gumeysiga ayaa waxaa kamid ah in dadka la iska dilo iyagoo aan waxba galabsan waana waxa haatan ka jira Muqdisho iyo magaalooyinka lamid ah ee Soomaaliya.