Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabelle, Cali Jeyte Cusmaan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne bannaankeeda ayaa shaaca ka qaaday hadal fajac ku noqday bulshada.
Isagoo aad u careysan ayaa waxa uu sheegay in shacabka magaaladu ay taageersan yihiin Xarakada Al-Shabaab, sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabelle oo uu khilaaf kala dhaxeeyo ayaa waxa uu ku suntay in qudhoodu ay Al-Shabaab xiriir la leeyihiin.
Wuxuu bulsahda si gaar ah ugu eedeeyay iney marar badan dhigeen dibadbaxyo ay uga soo hor jeedaan maamulka iyo hawlihiisa taasoo ka dhigan sida uu sheegay iney taageersan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Cali Jeyte ayaa ciidankiisa amray in magaalada Baladweyne ay kusoo rogaan bandow ka billaabanaya shanta iyo barka galabnimo, kaasoo uu kaga dayanayo ciidamada Itoobiya oo muddo dheer bandow noocaas ah ku hayay magaalada.