HomeAll newsAl-Shabaab oo Sheegatay Weerar Lagu Beegsaday Macallimow.

Al-Shabaab oo Sheegatay Weerar Lagu Beegsaday Macallimow.

Barqanimadii maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar qorsheysan oo qarax loo adeegsaday kaasoo lala beegsaday Afhayeenka xukuumadda federaalka Maxamad Ibraahim Macallimow.

Sida aan xogta ku heleyno waxa uu weerarku ku qabsaday inta u dhaxaysa isgoyska Dabka iyo Shaqaalaha xilli uu saarnaa gaari noociisu yahay Sufuf.

Goob joogayaal ayaa sheegaya ay maqleen jugta qarax weyn kadibna ay arkeen gaarigii la beegsanayay oo uu burbur soo gaaray lagana soo qaadayo Macallimow oo ay xaaladdiisu garaab tahay.

Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxaana hadal kooban oo uu soo saaray talisku ku sheegay in hawlgalka lagu beegsaday mas’uul ka tirsan DF, Isla markaana uu weerarku u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Macallimow ayaa wuxuu ahaa Afhayeenka Xukuumadda Federaalka iyo la taliyaha Ra’iisulwasaaraha ee dhanka Warfaafinta, sidoo kale wuxuu ahaa musharax xildhibaan oo aad ugu dhawaa in la doorto.

Dhaawaciisa waxaa la dhigay isbitalka Digfeer, waxaa la isla dhax marayaa inuu dhintay iyo in uu wali nool yahay oo xaaladiisa lala tacaalayo, laakin xogta rasmiga ah waa ay soo bixi doontaa.

Todobaadkii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho qarax weyn lagula beegsaday 4 sarkaal oo reer galbeed ah kuwaasoo laba kamid ah ay weerarka ku dhinteen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular