Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta qarax la beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya islamarkaana ku socdaalayay gobolka Soomaaliyeed ee Mandheera.
Wararka naga soo gaaraya halkaas ayaa sheegaya in qaraxa iyo kaamin la socday ay abaaro 01:40 duhurnimo ka dhaceen inta u dhexeysa Dhabbasiti oo hoos tagta Ceel Qaalow iyo deegaanka Harwaleey ee wada hoos taga gobolka Mandheera.
Miino wadada lagu aasay ayaa waxay qeybaha dambe ka qabsatay gaari Beeba ah waana uu damay waxaana si halhaleel ah uga dagay ciidamadii saarnaa oo shoogsan kadibna waa ay fariisteen, intaas kadib ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa rasaas xooggan ooda uga qaaday ciidankaas.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal kooban uu halkaa ka dhacay ciidamada Kenyana muddo kadib ay u yimaadeen kuwa gurmad ah, walina faahfaahin dheeri ah lagama helin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray.