HomeAll newsXanuunka Cusub ee Omicron oo Soo Gaaray Kenya.

Xanuunka Cusub ee Omicron oo Soo Gaaray Kenya.

Wararka ka imaanaya magaaalda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ay diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron kaasoo laga helay qof safar ahaa.

Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas Mutahi Kagwe, waxa uu ka gaabsaday inuu shaaca ka qaado tirada kiisaska noocan ah ee laga helay wadanka tan iyo markuu uu xanuunku soo if baxay.

Helitaanka kiiska cusub ayaa kusoo aadaya saacado yar kadib markii uu horey wasiirka caafimaadka usoo sheegay in uusan cudurkaasi soo gaarin wadanka Kenya.

Ilaha caafimaadka ee madaxa bannaan iyo dadka shacabka ah ee reer Kenya ayaa waxay sheegeen in dalku uu aad ugu batay hargabka lala saxariirayo, xilli ay dowladduna si maalinle ama todobaadle ah u shaaciso tirada dadka uga dhinta cudurka Karona.

Iyadoo xanuunka cusub uu soo kordhay ayaa haddana waxaa aad usii badanaya dadka uu soo ridanayo cusurka Covid-19 ee dalka Kenaya, waxaana maalintii dorraad ahayd la diiwaan geliyey 331 kiis oo cusub.

Sida ay sheegeyso dowladda Kenya, tirada guud ee kiisaska Covid-19 ayaa hadda gaareysa 256,815 (laba boqol konton iyo lix kun, sideed boqol toban iyo shan kun) oo ay ku jiraan 5,349 (shan kun sadax boqol afartan iyo sagaal) dhimasho ah.

Dowladda Kenya ayaa horey usoo saartay amar ah in aan adeeg la siin lana xayiro dadka diiday iney is tallaalaan, hayeeshee maxkamadda wadankaas ayaa Talaadadii hakisay amarkaas kadib markii uu socon waayay, dad badan oo Kenyaan ah ayaana ka shakisan tallaalka kaasoo ay u arkaan mid iyaga lagu tijaabinayo.

Soomaali badan ayaa ku nool wadanka Kenya halka madaxda Dowladda federaalka ay si joogto ah ugu safraan waxaana ay dadka qaarkii sheegayaan in xanuunada ka jira Kenya ay kusoo fidi karaan wadanka, sidoo kale waxaa cuduradaas oo dhan dalka si sahlan ku keeni kara ciidamada Kenya oo jooga Jubbada Hoose iyo qeybo kamid ah Gedo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular