Wararka naga soo gaaraya magaalada barakeysan ee Al-Qudus ayaa tilmaamaya in weerar keligii duulnimo oo ka dhacay magaaladaas waxyeello lagu gaarsiiyay Ruux Yahuudi ah.
Gabar mindi ku hubeysan ayaa geystay weerarka, waxaana ay beegstay haweeney Yahuudiyad ah oo kamid ah dadka xooga lagu dejiyay xaafadda Sheekh Jirraax ee magaalada barakeysan ee Al-Qudus.
Warbaahinta maamulka Yahuudda ayaa war ay baahiyeen waxay ku sheegeen in haweeneyda fulisay weerarka ay u suuragashey in weerark kadib ay goobta si nabad ah uga tagto, illaa iyo hadana kuma guuleysan askarta maamulka Yahuudda iney gacanta kusoo dhigaan.
Haweeneyda Yahuudiyadda ah ee weerarka mindida loo adeegsaday lagu dhaawacay ayaa la dhigay isbitaal caafimaad, waxaana dhaawaceeda lagu tilmaamay inuu yahay mid halis ah.
Cidamada maamulka Yahuudda ayaa lagu soo waramayaa iney xireen dhamaan wadooyinka soo gala goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayaa xaafadda Sheekh Jirraax ee magaalada barakeysan ee Al-Qudus.
Weerarkan toorreyda loo adeegsadya waxaa uu imaanayaa iyadoo dhawaan magaalada Al-Qudus uu ka dhacay weerar keligii duulnimo oo uu fliyay keligii duule Filastiini ah, kaasoo dhimasho iyo dhaawac ka dhigay tiro askar Yahuud ah.
Xaafadda Sheekh Jirraax ee uu maanta ka dhacay weerarka ayaa ah xaafad ay doonayaan Yahuudda iney ka barakiciyaan muslimiinta, xoogna lagu dejiyo dadka Yahuudda ah, waxaana arintaasi diidan muslimiinta Filastiin.