HomeAll newsTPLF oo Sheegtay Iney 2 Kun Ka Dishay Dowladda Iyo Abiy oo...

TPLF oo Sheegtay Iney 2 Kun Ka Dishay Dowladda Iyo Abiy oo Ka Qeyb Galay Dagaal.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa si xawaare leh uga sii soconaya dagaalada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo dhinacyada mucaaradka gaar ahaan jabhadda Tigre-ga ee TPLF.

Inkastoo dowladda Itoobiya ay qabsatay dhulal horey looga qabsaday, haddana waxaa jira faahfaahinno kasoo baxaya dagaallo qaraar oo Sabtidii dorraad ahayd ka dhacay qeybo kamid ah gobolada Amxaarada kuwaasoo dhex maray TPLF iyo Ciidanka Amxaarada ee taabacsan dowladda.

Dagaalada ayaa ka dhacay gobolka Wallo iyo Koofurta Gonder, waxaase ugu xooggan dagaal ka dhacay magaaalda Gashena ee gobolkaas Amxaarada. TPLF waxay sheegeen in dagaalka Gashena ay aad ugu gumaadeen ciidamada Amxaarada gaar ahaan guutada Minilk ayna dileen 2 kun oo askari.

Waxay sheegeen in ay kasoo weerareen 3 jiho ayna u suura gashay iney cagta mariyaan guutadaas kana dhigaan wax ay dilaan, wax carara iyo qaar maxaabiis ah oo ay gacanta ku hayaan xilligan. Intaa waxa dheer oo ay warbaahintooda ka sheegeen iney gacanta ku dhigeen agabyo Milatari oo uu hub kamid yahay ayna ku tala jiraan iney sida ugu dhaqsiyaha badan usoo bandhigaan.

Tigre ayaa sheegay in ay dagaalkaasi ku qabsadeen magaalada Gasheena, Ambaaseel iyo degaano kale, dagaalkana ay sii wadi doonaan illaa ay hadafkooda ka gaaraan (sida ay hadalka u dhigeen) Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidanka dowladda Itoobiya ay Axaddii shalay shaaciyeen iney qabsadeen wado istaraatiiji u ah magaalada Maqale ee ismaamulka Tigreega.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisulwasaare Abiy Axmad uu ka qeyb galay dagaalka Tigreega looga qabsaday wadada muhiimka ah

“Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayaa la wareegay ” Jidka Istiraatiijiga ah ee Waldiya iyo Meqelle, waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,” ayuu lagu yiri warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid iska daba meereysi ah oo hadba koox la eryanayo, hadda wuxuu culeys saaran yahay TPLF, taasoo laga qabsaday qaar kamid ah degaanadii iyo magaalooyinkii ay horey ugala wareegeen dowladda, waxaana arrintan ugu wacan iyadoo ay dagaalka kasoo qeyb galeen quwado shisheeye.

Falanqeeye lagu magacaabo Cali Saciid oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay garab ka heshay dowlado ay kamid yihiin Turkiga, Shiinaha iyo Ruushka.

Ciidanka Itoobiya ayaa u muuqda kuwa daneynaya iney qabsadaan magaalada Maqalee, laakin waxay khubaradu sheegayaan in sidii hore oo kale ay dhici doonto, Tigreguna ay ku jabhadeyn doonaan buuraha, dagaalka Itoobiyana uu sii dabadheeraan doono.

Dhanka kale waxaa dagaalka sheedda ka daawanaya dowladaha Reergalbeedka oo kasoo horjeeda Itoobiya iyo dalalka garab taagan, waxayna la safan yihiin Tigreega.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular