Wararka ka imaanaya magaalada Nairoobi ee caasimadda Kenya ayaa tilmaamaya in sarkaal katirsan booliiska Kenya uu dilay ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jirtay xaaskiisa.
Askariga ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay xaaskiisa, kadibna uu toogtay 3 ruux oo kale, markaas kadibna uu banaanka hore ku dilay 2 ruux oo mooto saarnaa.
Hay’adda dembi baarista dalka Kenya ayaa xaqiijisay dhacdadan, waxaana sarkaalka dilka geystay ay ku tilmaamtay inuu yahay sarkaal khaa’in ah.
Lama oga waxa rasmiga ah ee sarkaalkan ku riixay inuu ku kaco tallaabadan uu ku dilay 6-da ruux ee shacabka ahaa, kuna jirtay xaaskiisa.