Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta hawlgallo kala duwan ka fuliyay magaalada Marko iyo degaanka Ceelasha biyaha oo labaduba ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Magaalada Marko waxaa lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Nabad-sugidda DF oo ku magac dheer (Tubaako) kaasoo sida aan xogta ku helnay lala beegsaday qarax xooggan balse uu ka badbaaday.
Sarkaalka ayaa waxaa qaraxa lagula beegsaday hoygiisa, markii uu ka badbaadayna wuxuu u cararay dhanka xerada ciidamada Uganda ee ku taalla meel gees ka ah magaalada.
Sidoo kale ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa hawlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceelasha biyaha ku dilay askari ka tirsan ciidamada DF oo magaciisa lagu sheegay Maxamad Gaabow.
Gaabow ayaa caan ku ahaa dhibaateynta dadka ku nool degaanka iyo gaadiidleyda, daqiiqado kadib dilkiisa waxaa goobta soo gaaray askar kale oo ka tirsan kuwa DF iyagoo shacabka ku oranayay “yaa dilay)
Hawlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay ku socdaan si dardar leh.